𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐔 ayaa waddanka Jordan ugu ambabbaxday kaqeybgalka barnaamij ciwaankiisu yahay Nabadda iyo Amniga.










𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐔 marwo Xafso Maxamed Cusmaan ayaa waddanka Jordan ugu ambabbaxday kaqeybgalka barnaamij ciwaankiisu yahay Nabadda iyo Amniga oo uu soo agaasimay Ururka Jaamacadaha Carbeed.
Xafso ayaa ardayda Jaamacadda SIU ku mataleysa barnaamijkaasi, waxaana gegida diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusii sagootiyay qeybo ka mid ah maamulka ardayda oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda SIU mudane Sharma’arke Mowliid Maxamed iyo xubno kale.
Ardayda Jaamacadda SIU ayaa sannad walba ka qeybgasha barnaamijyada sannadlayaasha ah ee Ururka Jaamacadaha Carbeed iyo ururrada kale ee caalamiga ah taasoo ay ardaydu ka baranayaan isdhexgalka iyo xaddaaradaha kala duwan.
Maamulka Jaamacadda SIU wuxuu bogaadinayaa barnaamijyada noocan ah inay ardaydu ku matalaan magaca jaamacadda iyo magaca Soomaaliyeedba.