ARDAYDA JAMACADA SIU AYAA SO DHAWAYSAY ARDAYDA CUSUB EE JAMACADA KUSO BIIRTAY.
Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoontay munaasabadda soodhoweynta ardayda cusub ee Jaamacadda kusoo biirtay sannad waxbarasheedka 2024 – 2025.
Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa inta badan maamulka Jaamacadda SIU oo uu ugu horreeyo guddoomiye Dr. Maxamed Cali Ismaaciil.
Maanta waxay ahayd maalintii koowaad ee Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIU, waxaana maalmaha soo socda jiri doona bandhig dhaqameedyo ay sameynayaan ardayda Jaamacadda