Midawga ardayda jaamacada SIU oo looqabtay tababar
Xafiiska Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda SIU ayaa soo agaasimay tababbar sare loogu qaadayay xirfadaha laxiriira maamulka oo loo qabtay Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.
Ciwaannada tababbarkan ay qaateen hoggaanka ardayda jaamacadda ayaa ka koobnaa labo ciwaan oo kala ah:
- Maareynta Waqtiga oo uu bixinayay ustaad Axmed Sheekh Cali Axmed oo ah Maareeyaha mashaariicda Damal Caafimaad iyo talaalka Covid19 ee wasaarada caafimaadka Dowlad goboleedka Hirshabelle.
- Xirfadda Hoggaaminta oo uu bixinayay ustaad Khaalid Maxamuud Macallin Ibraahim.