Xirfadaha Hoggaaminta iyo Horumarinta.







Naadiga Ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda SIU ayaa soo agaasimay tababbar loo qabtay ardayda kulliyadda oo ciwaankiisu yahay Xirfadaha Hoggaaminta iyo Horumarinta.
Waxaa tababbarka bixinayay ustaad Ciise Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa ardaydii horay uga aflaxday Jaamacadda SIU, waxaana goobjoog ahaa maamulka kulliyadda iyo maamulka ardayda.