๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐๐ก๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐๐๐.








๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐๐ก๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐๐๐.
Waxaa kulan miro-dhal ah yeeshay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda (SIU), oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka, Xoghayaha , Agaasimaha, iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Midowga. Kulankan oo si gaar ah loogu talagalay ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ee wax ka barta jaamacadda ayaa ahaa mid looga gol lahaa in kor loo qaado isfahamka, isdhexgalka, iyo taageerada ay helaan ardaydan qiimaha badan.
Kulanka waxa diiradda lagu saaray sidii loo fahmi lahaa caqabadaha iyo baahiyaha ardayda baahiyaha gaarka ah qaba, isla markaana loo abuuri lahaa xalal wax-ku-ool ah oo ay uga faa’iidaystaan waxbarashadooda iyo noloshooda guud ahaan.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda jamacadda SIU ayaa ku bogaadiyay ardayda baahiyaha gaarka ah qaba dedaalkooda iyo sida ay ugu dhabar-adag yihiin caqabadaha nololeed.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in midnimadu tahay furaha horumarka, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xaqiijinta yoolalka waxbarasho ee ardayda.