๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ayaa waddanka Jordan ugu ambabbaxday kaqeybgalka barnaamij ciwaankiisu yahay Nabadda iyo Amniga.










๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ marwo Xafso Maxamed Cusmaan ayaa waddanka Jordan ugu ambabbaxday kaqeybgalka barnaamij ciwaankiisu yahay Nabadda iyo Amniga oo uu soo agaasimay Ururka Jaamacadaha Carbeed.
Xafso ayaa ardayda Jaamacadda SIU ku mataleysa barnaamijkaasi, waxaana gegida diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusii sagootiyay qeybo ka mid ah maamulka ardayda oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda SIU mudane Sharma’arke Mowliid Maxamed iyo xubno kale.
Ardayda Jaamacadda SIU ayaa sannad walba ka qeybgasha barnaamijyada sannadlayaasha ah ee Ururka Jaamacadaha Carbeed iyo ururrada kale ee caalamiga ah taasoo ay ardaydu ka baranayaan isdhexgalka iyo xaddaaradaha kala duwan.
Maamulka Jaamacadda SIU wuxuu bogaadinayaa barnaamijyada noocan ah inay ardaydu ku matalaan magaca jaamacadda iyo magaca Soomaaliyeedba.