Ardayda Jaamacadda SIU oo dhiig ugu deeqday Bangiga Dhiigga Qaranka.
Arday kasocota qeybaha kala duwan ee Jaamacadda SIU oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda SIU mudane Sharma’arke Mowliid Maxamed ayaa maanta booqatay Bangiga Dhiigga Qaranka halkaas oo ay ugu deeqeen dhiiggooda si loogu caawiyo Ummadda Soomaaliyeed ee u baahan dhiigga xilliyada adag.
Midowga Ardayda Jaamacadda SIU oo ah urur matala dhammaan ardayda jaamacadda ayaa wada dadaallo ku aaddan u gargaaridda bulshada.
Guggoomiyaha Midowga Ardayda iyo masuuliyiin kale oo katirsan xukuumadda ardayda oo ay weheliyaan masuuliyiinta Bangiga Dhiigga Qaranka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee ay shaqadu kasocoto.
Waa arrin bogaadin mudan inay ardaydu si mutaddawacnimo ah uga qeybqaataan u gurmashada iyo u gargaaridda Ummadda Soomaaliyeed.
Maamulka Sare Jaamacadda SIU oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Dr. Maxamed Cali Ismaaciil ayaa bogaadiyay dadaalka iyo isxilqaanka ay sameeyeen ardayda Jaamacadda SIU.