|

Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoontay munaasabad gaari lagu guddoonsiinayay Midowga Ardayda.

Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoontay munaasabad gaari lagu guddoonsiinayay Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.
Maamulka Sare ee Jaamacadda SIU ayaa maanta gaari cusub oo dhowaan ay jaamacaddu u iibisay Midowga Ardayda Jaamacadda SIU ku wareejiyay Xukuumadda Ardayda, kaas oo loogu talaggalay inuu si gaar ah ugu adeego ardayda jaamacadda.
Guddoomiyaha Jaamacadda SIU mudane Dr. Maxamed Cali Ismaaciil oo furaha gaarigan ku wareejiyay Guddoomiyaha Midowga Ardayda ayaa sheegay inay ka go’antahay Maamulka Jaamacadda SIU awoodsiinta iyo u adeegidda ardayda jaamacadda.
Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa qeybaha kala duwan ee maamulka, macallimiinta, hawlwadeennada iyo ardayda Jaamacadda SIU.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *