Ardayda Jaamacadda SIU ka barata Culuumta Beeraha iyo Deegaanka ee jaamacadda ayaa loo qabtay tababbar.
Ardayda Jaamacadda SIU ka barata Culuumta Beeraha iyo Deegaanka ee kujirta sannadka saddexaad iyo sannadka afraad ee waxbarashada jaamacadda ayaa loo qabtay tababbar.
Tababbarkan oo ciwaankiisu yahay fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran hal-abuurka beeraha Soomaaliya ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee Jaamacadda SIU, waxaana tababbarka bixiyay ustaad Cabdisamad Cabdullaahi Cali.
Xafiiska Midowga Ardayda Jaamacaddda SIU ayaa soo agaasimay tababbarkan, waxaana goobjoog ahaa maamulka kulliyadda iyo xubno kale.