|

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS ayaa xarunta wasaaradda ku qaabbilay maamulka Midowga Ardayda SIU.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa xarunta wasaaradda ku qaabbilay maamulka Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.
Wasiirka ayaa si diirran u soodhoweeyay Midowga Ardayda Jaamacadda SIU, wuxuuna sharraxaad fiican ka siiyay qaabka ay wasaaraddu u shaqeyso iyo sida ay diyaar ugu tahay dhiirriggelinta dhallinta Soomaaliyeed asagoo sheegay inuu fursadaha jira uga faa’iideyn doono dhallinyarada.
Dhanka kale Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda SIU mudane Sharma’arke Mowliid Maxamed oo ku hadlayay afka Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIU ayaa wasiirka uga mahadceliyay soodhoweynta diirran iyo xogta uu ka siiyay shaqada wasaaradda, wuxuuna dhankiisa uga warbixiyay shaqada uu qabto Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.
Maamulka Jaamacadda SIU oo uu ugu horreeyo guddoomiye Dr. Maxamed Cali Ismaaciil wuxuu bogaadinayaa, kana mahadcelinayaa soodhoweynta iyo dhiirriggelinta uu ardayda Jaamacadda SIU u sameeyay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *