Midawga ardayda jaamacada SIU oo soo agaasimay dood wadaag.




























Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoontay dood ku saabsan doorka dhallinyarada ee doorashooyinka iyo nidaamka xisbiyada dalka oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Naadiga Ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada iyo Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.
Dooddan ayaa dhexmartay qeybo ka mid ah ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda SIU, waxaana goobjoog ahaa masuuliyiin kala duwan oo isugu jira xukuumadda ardayda, macallimiin iyo maamul.