Waxaa hadda noo billaabatay Xafladda Qalinjebinta Class of 2024 ee Jaamacadda SIU.




























































































Kadib dhamadka Xisadaha Gelinka Danbe Ee Jamacada Ardayda Waxay Dhirageliyaan Mamulkooda Iyo Macalimiintooda Ayago Kala Tagerayaa Laba Koox ee Malinkas Ciyarta Leh.Ardayda Jamacada SIU Ayaa Dhankasta Kaga Qayb Qadanayaa Sanad Gurada Jamacada(SIUDAY).Mahadsanidin Dhaman Ardayda Jamacada SIU
Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoontay munaasabad xilwareejin ah oo ay xilalka kula kala wareegayeen hoggaanka cusub ee Naadiga Ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada iyo hoggaankii hore ee naadigan.Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa xubno ka mid ah maamulka jaamacadda iyo sidoo kale masuuliyiinta Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.
Saddex kooxood oo ka kooban dhammaan kulliyadaha Jaamacadda ayaa soo bandhigay tartan qurux badan, kuwaas oo kala ahaa; Halgan, Horseed iyo Waabberi. Waxaa kaalinta koowaad ku guuleysatay kooxda Waabberi. Kaalinta labaad waxaa ku guuleysatay kooxda Halgan, halka kooxda Horseed ay gashay kaalinta saddexaad. Xubno katirsan Golaha Abwaannada Soomaaliyeed iyo akademiyada oo uu hoggaaminayo Abwaan Barre…
Midowga Ardayda Jamacada SIU Ayaa Qayb Ka ahaa Munaasabadda Saxiixa Ku-biirista Soomaaliya ee Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Dembiyada Abaabulan ee Qaramada Isaga Gudba iyo Borotokoolladiisa.
Waxaa munaasabadda kalmad qiiro leh ka jeediyay, kuna hadlayay afka ardayda maanta qalinjebineysa Class of 2024 mudane Cabdiqaadir Muxuddiin Abuukar oo ah arday qaba baahiyaha gaarka ah. Hambalyo Class of 2024
Don’t miss our future updates! Get Subscribed Today!
©2024 Eng Casaanyo All Rights Reserved.
WhatsApp us